Dowlada wadanka Canada ayaa shaacisay in 6-kamid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay caasimada dalka Burkina Faso, Ouagadougou.
Raisuwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku sheegay in 6-muwaadin oo u dhalatay dalka Canada ay kamid ahaayeen 21-qof oo ku dhimatay weerarkii shalay Lagu qaaday maqaayad iyo Hoteel ku yaala caasimada dalka Burkina Faso, Ouagadougou.
Mudane Justin Trudeau waxa uu sheegay in Murugo ay dareemeen markii ay maqleen in 6-muwaadin oo u dhaltay dalka Canada ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay dalka Burkina Faso,. shalay subax.
Wuxuu Tacsi u direy qoysaskii ay kasoo jeedeen dadkaas iyo saaxiibadooda isagoona ku Tilmaamay weerarka ka dhacay dalka Burkina Faso, mid aad loogu xumaado,
Shalay ayay aheyd markii weerar qorshaysan uu ka dhacay caasimada dalka Burkina Faso, waxaa weerarkaas sheegtay kooxda al-qaacida xiriirka la leh ee ka dagaalanta wadamada Africa,

