Sawiro:Ciidanka Xooga Dalka Oo Guulo ka sheegtay Dagaalkii ka dhacay Awdheegle

0

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaa ka hor tagay weerar ay Al-shabaab ku qaadeyn degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa Wakaaladda wararka ee SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen Al-Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena ay sheegen inay ka dhaawaceen,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay Al-shabaab kala wareegeyn degmada Awdheegle ,iyagoona halkaasi ka bilaabay hawlgalo ay aminiga ku xaqiijinayaan.

Sikastaba ha ahaate Ciidamada Xooga Dalka ayaa halwgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo qeybo badano ka mida ay maamulaan Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here