Dhageyso:-Deni’Maamulada Dowladda waxaa ku soo badanaya dad qibradooda Aqooneed ubadantahay la shaqeynta Hay’adaha Samafalka”

0

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Putland Saciid Cabdullahi Deni  oo ka qeyb galayay Munasabad  ka dhacday magaalada Garowe oo lagu daah furay Diyaarinta Qorsaha 4aad ee Horumarinta Putland ee 2020 ilaa 2024 ka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxuu eedeyn ugu jediyay  madaxda ugu sareysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Saciid Cabdullahi Deni Madaxweynaha Putland ayaa madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay wax umaamulaan sida Hay’ado gaar loo leeyahay oo kale.

Waxaa uu sheegay in Dowlada  aad ay ugu soo badanayaan dhalinyarada lasoo shaqeeyay Hay’ado Samafal islamarkaana qibradooda Aqooned ay ubadantahay la shaqeeynta Hay’adaha,sidookale waxuu sheegay in Hay’adaha sida loo maamulo iyo dal kala tagay sida loo maamulo in farqi ay udhaxeyso.

Sikastba ha ahaate hadalka Deni ayaa umuuqda mid uu ku durayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Fedaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la soo shaqeyay Hay’ado Samafal oo ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeesay xurguf kala dhaxeesay.

Z0000017

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here