Tsai Ing-wen, ayaa loo doortay In ay Noqoto Madaxweynaha Wadanka Taiwan,

0

Tsai Ing-wen, ayaa loo doortay In ay Noqoto Madaxweynaha wadanka Taiwan, oo ka tirsan dhulweynaha Shiinaha, ee qaarada Asia,

Haweeneydan  maanta loo doortay Madaxweynaha wadanka Taiwan  oo 59 jir ah, ayaa waxay xubin muuqata ay ka Tahay Xisbiga Gobonimo Doonka (DPP), waxayna maanta dadka dalka Taiwan ugu yeereysay inay isugu soo baxaan doorasha.

Dadka siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in doorashada Maanta la doortay Tsai Ing-wen ay dhalin karto dagaal dhaxmara wadamada shiinaha iyo Taiwan, madaama wadanka shiinaha uu doonaya in uu wali maamulo wadanka Taiwan,

Tallaabada lagu doortay haweeneydan, ayaa ka dhigan iyadoo noqonayso, haweeneydii ugu horeysay oo Madaxweyne looga doorto dhulka looga hadlo luqada Shiinaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here