Maxkamadda ismaamulka Eldoret ee dalka Kenya ayaa ciidamada ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada ku wareejisay muddo todobo maalmood si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyaan kiis argagixisanimo oo lagu tuhunsan yahay nin Somali ah oo heysta dhalashada Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Mohammed Abdi ayaa kasoo hor muuqday garsooraha ugu sareeya maxkamadda Eldoret oo lagu magacaabo garsoore S. Wewa.
Maxkamadda ayaa dalbatay in ninkan lagu tuhunsan yahay argagixisanimada laga qaado passport ka iyo talefankiisa gacanta inta laga soo afjarayo baaritaanka ku socda.
Mohamed Abdi ayaa la xiray bishii idlaatay ee July, waxaana laga soo xiray Nakuru isagoo sawiro ka qaadayo maxkamadaha qaanuuniga ah ee Nakuru.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ladagaalanka iyo kahor tagga oo lagu magacaabo William Ndunde ayaa weydiistay maxkamadda inay siiso muddo dhan todobo maalmood si loo dhameystiro baaritaanada.
“la tuhmanaha waxaa la xiray isagoo sawiro ka qaadayo maxkamadda, waxaana macquul ah in uu dhaqdhaqaaqyo argagixisanimo ka fuliyo maxkamadda iyo agagaarkeeda,” Ndunde ayaa sidaas u sheegay maxkamadda.
Shaqsi lagu magacaabo Abdullahi oo difaacayey ninkan lagu tuhunsan yahay argagixisonimada ayaa sheegay in uu yahay nin aad uga da’ weyn ku kicista falalka nucan ah islamarkaana uu goobta u yimid dhageysiga maxkamadda.
Wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo wiilkiisa ay hanjabaad u keeneen isla markaana sawirrada uu qaadayaa ay ahaayeen kuwo lagu micneeynayo heerka ay gaarsiisan tahay khatarta booliiska.
Maxkamadeynta ninkan Somali Mareykanka ah ayaa mar kale loo balansan yahay 8 Augst oo ku beegan maalinta khamiista soo aadan.

