Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Somalia Mahdi Maxamed Guled Khadar kuna aadanaa wada shaqeynta Somaliland iyo Somalia.
Ra’iisal wasaare ku xigeen ku waxa uu ka dhawaajiyey in shacabka iyo madaxda Somaliland aysan isku waafaqsaneen ka go’itaanka Soomaaliya inteeda kale.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inaysan jirin kala qeybsanaan iyo kala aragti duwanaan ku aadan ka go’itaankooda Soomaaliya.
Sidookale Wasiirku waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin kuwa ka muideysan kuna weyn tahay qabiyada qaranimo ee Somaliland.
Waxa uu intaas raaciyey in Somaliland ay tahay qaran wadamada dunida qaar ay aqoonsan yihiin kuwa kalene la rajeynayo in ay dhawaan aqoonsadan, waddamada dunidana ay si toos ah ula xiriiraan iyagoo aan waxba uga baahan DFS.
Dowladda Somalia ayaa dhowr jeer wadahadallo ugu baaqday maamulka Somaliland si loo mideeyo Somalia meeshana looga saaro tabashada Somaliland. Waxa ayna Dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland dhowr jeer u yeesheen wadahadallo lagu xalinayo muranka u dhaxeeya labada dhinac, balse kulamadaas ayaa noqday kuwo fashilmay oo aysan waxba kasoo bixin.

