Ugu yaraan 6 askari oo u dhashay dalka dhaca bariga Africa ee Burundi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada Burundi.
Askartan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom.
Xubno ka tirsan dagaalyahanada Al Shabab ayaa askartan ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ku weeraray degmada Balcad oo 30 kilometer dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada muqdisho.
Colonel Floribert Biyereke, oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa sheegay in “lix askari lagu dilay weerarka, seddex askari ay qabaan dhaawacyo halis ah, labo askari oo kale la la’ yahay.
In ka badan 22,000 askari oo ku howgala magaca Amisom ayaa ku sugan Somalia waxaana ciidamadan ay ka howl galayaan Somalia in ka badan 10 sano.
Dalka Burundi ayaa ah dalka labaad ee ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Amisom waxaana tirada ciidamada Burundi ee ku sugan Somalia ay gaareysaa 5,432 askari, kaliya Uganda oo ay in ka badan 6,000 oo askari ka joogaan Somalia ayaa ka badan Burundi.
Burundi ayaa sanadkii 2007 usoo dirtay dalka Somalia cutubkii ugu horeeyey ee ciidamadeeda qeybta howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom.

