Puntland oo Xukuntay Askarigii Fududeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa

0

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida iyo Dembiyadda Culus ee Gobolada; Bari, Karkaar, HighLand, Sanaag iyo Guardafui ee Puntland,ayaa xukuno ku riday dad ku eedaysan dilkii Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa, iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mahad Xassan Xuseen, Ayuub Nuur Nuux , Bishaar Maxamed Xassan iyo Maxamed Xassan Baraka Xaarisa, kuwaasi oo dhammaantood lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana ay ku lug-lahaayeen dilkii Maareeyihii P&O Paul Farmosa iyo dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaaladda Boosaaso ayaa xukuno xabsi ah lagu riday.

Maxkamaddu waxay sidoo kale dil toogasho ah ku ridday, todoba eedaysane-maqane oo sida maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay, in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, ayna wax ka qorsheeyeen dilkii Maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay isna dil toogasho ah ku ridday, askari ka tirsanaa ciidanka badda Puntland ee PMPF oo magaciisu yahay, Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed Sheekeeye, kaasi oo lagu helay in uu fududeeyay dilka Maareeye Paul.

Caasho Axmed Maxamed (Caasho Maajoor) iyo Shukri Xuseen Axmed(nin) oo wax ka fududeeyay isla dilka Maareeye Paul, halka ay min 20-sano oo xabsiya ku xukuntay.

Cabdiraxmaan Maxamed Saalax (Dukhunbe) iyo Cabdirisaaq Axmed Maxamed (fidhig) oo lagu helay in ay xiriir la sameeyeen kooxdii dishay Maareeyaha, balse aan qiran in ay denbigaasi galeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here