Xildhibaan Ganey:-“Wasiir Cawad 12-ruux oo Qaraabadiisa ah ayuu Shaqaaleysiiyay”,

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia gaar ahaan guddigiisa arrimaha dibadda ayaa walaac ka muujinayo hab dhaqanka wasiirka arrimaha dibadda DFS Axmed Ciise Cawad, waxa uuna u jeediyey eedeymo dhowr ah oo ay kamid tahay arrinta la xiriirta qaraxyada lagu eedeeyey dowlada Qatar.

Xildhibaan Maxamed Xasan idiris Maxamed (ganey) oo ka tirsan gudiga arimaha dibada Baarlamaanka soomaaliya oo la hadlay idaacadda simba ayaa wasiir Cawad ku eedeeyey hab uu ku xushay shaqaalaha wasaaradda waxa uuna tilmaamay in 12 ruux oo isaga qaraabo la ah uu shaqaaleysiiyey kuna jawaabay in hadalo aysan ku qancin markii ay wax ka weydiiyeen arintaas oo uu ku tilmaamay mid mamnuuc ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale Wasiir Cawad ku eedeeyey inuu faahfaahin ka bixin waayey heshiis uu ku saxiixay dalka Marocco oo aysan iyaga waxba ka ogeyn waxa uu la xiriiro heshiiskaas.

Waxa uu sido kale aad u dhaliilay jawaabaha uu Mr Cawad ka bixiyey warbixin lagu daabacay wargeyska NTymes oo dowladda Qatar la xiriirisay qaraxyo ka dhacay magaaladda Boosaaso.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in wasiir cawad uu arintaasi ku tilmaamay eedeymo siyaasadeed islamarkaana uusan maaganeen baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo arrintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here