Ergooyinkii Doorashadda Xildhibaanadda oo iska diiwaan Galiyay Shabaab

0

Odayaashii soo xulay Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaya cafiskii ay fidisay Shabaab ayaa iska diiwaangaliyay Goobaha Shabaab ay maamulaan.

159-ergo oo ah kuwii doorashadda Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiwaan galiyay maamuladda Shabaab ee Goboladda dalka Soomaaliya,sida uu sheegay Mas’uul katirsan Xafiiska siyaasadda iyo Xiriirka gobollada Al Shabaab.

Odayaasha isdiiwaan galiyay ayaa kala yimid Afar maamul goboleed balse waxaa jira kuwa badan oo ay usuurtageli waysay in ay gaaraan Goboladda Shabaab waxayna ku dhawaaqeen in ay ka towbadkeenaan dambigii ay galeen.

Maamul Jubbaland :waxaa ka yimid 33 Oday dhaqameed,

Maamulka Hirshabelle: waxaa ka yimid 53 Oday dhaqameed,

Koonfur galbeed: waxaa ka yimid 40 Oday dhaqameed ,

Galmudug: waxaa ka yimid 33 Oday dhaqameed Towbad keenayaal ah.

13-maalmood ayaa kasoo wareegatay 45-tii maalin ee Al Shabaab ay uqabatay in ay ku Towbadkeenaan Odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here