Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax iyo dilka sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa waxa ay ku dileen sarkaal ka Tirsanaa Booliska Soomaaliya,wuxuuna ka dhacay Ex.Control Afgooye.
Ragga dilka geystay ayaa si Nabad galyo ah isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydka askariga.
Dhanka kale Shabaab ayaa sheegtay qarax dhulka lagu aasay oo xalay ka dhacay agagaarka dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa haleelay gaari Tiknika ah oo ku socdaalayay wadada Warshadaha.

