Kheyre oo Heshiisyadii Ugu Baxay Waxgaradka Cadaado+Dhageyso

0
Ra,isal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Waxgaradka kasoo jeeda magaalada cadaado ee galmudug ayaa sheegay In Raisulwasaaraha dalka xasan cali khayre inuu kaga baxay heshiisyadii uu lagalay.

Nabadoon cumar faniin oo kamid ah waxgaradka magaaladda cadaado ayaa ra’iisalwasaare xasan cali kheyre ku eedeeyay inuu ka baxay heshiisyadii uu lagalay waxgaradka dagmada cadaado.

Wuxuu nabadoonku sheegay ra’iisalwasaaruhu inuu u sheegay inuu marayo deegaanada galmudug si uu u ogaado tabashooyinka ay qabaan dadka reer galmudug, balse ra’iisalwasaaruhu uu maamulkii u gacan galiyay xubno ku sugan magaaladda dhuusamareeb.

Nabadoon cumar faniin ayaa sheegay waxgaradka magaalada cadaado inaysan tagaynin magaalada dhuusamareeb,taasi badalkeeda kheyre ay ugu baaqayaan in uu isaga baxo Galmudug.

Diidmada waxgaradka cadaado waxay dhabar jab ku noqonayaa dadaaladii uu ra’iisalwaare khayre kawaday deeganada galmudug, Waxaana muuqanaya inay jiraan tabashooyin xoog leh oo ka jira qabiilada daga galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here