Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ay ciidamadda dowladda Soomaliya ay ka sameeyeen deegaanka Owdiinle ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ciidamada dagaal ay kula galeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Owdiinle ee Gobolka Baay waxa ay ku dileen Seddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka mid kalena ay nolosha ku qabteen.
Howlgalkaan oo dhacay Saacadihii lasoo dhaafay ayaa yimid, markii ay Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka ay ka war heleen goob ay Al-shabaab gaadiidka lacag kaga qaadi jireen kadibna ay weerar toos ah ay ku qaadeen.
Ilaa haatan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in deegaanka Owdiinle ee Gobolka Baay ay ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab kuwo kalena Nolasha ay ku qabteen ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

