Sanatarada Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa maanta Akhrinta 2-aad mariyay Hindise sharciyeedka golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka.
Kulanka ayaa ku furmay 29 senetar, waxaa kulanka inta uu socday senetarada laga hor akhriyay Akhrinta 2aad hindise sharciyeedka golaha midnadlayaasha caafimadka Qaranka, waxaan senaterada ka hor akhriyay Gudomiyaha gudi hoosaadka arimaha bulshada cafimadka iyo waxbarashada Pro Cusman Maxamed Dufle, kaas oo sheegay in wax laga badalay dhamaan qodobada ku qoran nuqulkii ay soo gudbiyeen Golaha Shacabka.
Senetarada kulanka fadhiyay ayaa akhrinta kadib talooyin ku daray hindise sharciyeedka ay sanatarada guddiga Arimaha bulshada caafimadka iyo waxbarashada aqalka sare ka hor akhriyeen.
Kulanka ay senetarada maanta yeesheen waxaa gudoomiyay gudomiyaha golaha aqalka sare senetar cabdi xaashi cabdullahi.

