Al-shabaab ayaa Degmadda Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud waxa ay kusoo bandhigeen afar askari ay sheegeen in ay kasoo goysteen maamulka Hir-shabeelle.
Afarta askari oo kasoo goostay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagusoo bandhigay xarunta maxakamadda Al-shabaab ee degmada degmada Ceelbuur.
Askarta lasoo bandhigay ayaa watay hubkii ay ku dagaalami jireeen.
Qaar kamid ah ciidamadda isa soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatooyin ay la kulmeen sanadadii ay ciidamada Itoobiya ku wehlinayeen dagaaladda ka socda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.



