Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka ay gacanta kusoo dhigeen laba nin uu sheegay la doon doonaayay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay Yariisow in howlgal ay fuliyeen ciidamadda amniga uu suura-galiyay qabashadda labada Nin.
“Shirka Amniga Caasimada Muqdisho oo caawa lagu soo bandhigay guulaha ololaha la dagaalanka burcadda iyo mooryaanta hubeysan,moryaankii shacabka dhibka ugu gaysan jiray Kaaraan iyo Cabdicasiis oo Waaranka u jarnaa la soo qabtay isagoo dhaawac ah oo booliska xabado ku ridaayay, ka dibna uu isbitaalka ku geeriyooday,sidoo kale waxaa la soo qabtay mooryaan kale oo la raadonayay lagana soo kala qabtay Degmooyinka Dharkiinley, Dayniile iyo Yaaqshiid, oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo muddo laga raadinayay Degmada Dharkiinley,waan wadeynaa ololahan waxaana uga digeynaa kuwa caadeystay inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatira. Nidaam iyo dowladnimo baa na wada deeqa ee aan amniga Caasimada ka wada shaqayn.”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

