Ku dhawaad 2 sano iyo bar ayaa kasoo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), oo kalsooni iyo taageero badan ka helay shacabka Somaliyeed markii la doortay 8 Feb sanadkii 2017.
Madaxweynaha iyo dowladdiisa uu hogaamiyaba waxa u qabsoomay waxyaabo badan oo horumar ah, balse waxaa jira dhaliilo iyo dhaleeceyno fara badan oo ay kala kulmayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan hanaan maamulka dowladdiisa ay ku maamusho dalka Somalia.
falanqeeye siyaasadeed Maxamed Xaadir Nuur oo waraysi siiyay simba ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisal wasaare kheyre ay dalka u wadaan meel aan waxba laga qaban karin.
Waxa uu sheegay inaysan muuqan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyey xilligii ololaha doorashada, waxaana ballanqaadyadiisa kamid ahaa doorasho qof iyo cod ah, dhisidda maxkamadda dastuurka iyo dhameestirka dastuurka Somalia.
Siyaasigan ayaa ku eedeeyey dowladda Somalia in waqtigeeda iyo dhaqaalaha dalkaba ay ku bixisay kala furfuridda hogaanka dowlad goboleedyada dalka kajira, waxa uuna intaas raaciyey in ay weerar toos ah ku tahay dowlad goboleedka Jubaland iyadoo hore usoo kala dhantaashay dowlad goboleedyo ay kamid tahay Galmudug.

