Xildhibaanadda Hir-shabeelle oo Gabay Shaqooyinkii Loo Doortay+Dhageyso

0

Xildhibaan Aadan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay eedeenta loo jeedinayo Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas Shiikh Cusmaan Barre Maxamed.

Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha uu awood u leeyahay in uu xiro kulamada Baarlamaanka,isagoo joogo meel ka baxsan magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isla xisaabtanka ay wadaan Xildhibaanadda baarlamaanka hir-shabeelle loogu baahan yahay in ay la xisaabtamaan Madaxweynaha Maamulkas Maxamed Cabdi Waare oo fariin uu kasoo direy Magaalada Nairobi xilkii ugu qaaday Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Dagabeed.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Aadan Cabdi ayaa ka dalbaday Xildhibaano uu tiradooda ku sheegay 10-xildhibaan in ay la yimaadaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka Hir-shabeelle cabashooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here