Abuu Muscab:-“Xildhibaano Ka Cararay Qaraxyada Muqdisho ayaan ku Beegsanay Kismaayo”,

0

Al-shabaab ayaa sabab u yeelay weerarkii ay habeenkii jimcihii ay ka fuliyeen magaaladda kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab ayaa Shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen saldhig ciidan oo Hoteel loo ekeysiiyay sida uu hadalka u dhigay afhayeenka.

Waxa uu sheegay in weerarka lagu bilaabay gaari laga soo buuxiyay qarax,islamarkaana dagaalyahano ay gudaha u galeyn Hoteelka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Abuu Muscab in dadkii ay dileen ay kamid ahaayeen shaqaale u shaqeynayay hay’ado shisheeye kuwaas oo shirqoollo umaleegayay shacabka wuxuuna carabaabay in dadkii weerarka lagu beegsaday ay kamid ahaayeen Xildhibaanno iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka oo ammaan darro aawgeed ugasoo cararay Magaaladda Muqdisho.

Weerarkii magaaladda Kismaayo waxaa ku dhintay 33-ruux halka uu dhaawaca gaarayo 56-qof sida uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here