Dowladda Kenya oo Soo Jeedisay in Al-shabaab Lagu Daro Liiska Argagixisada.

0

Dowladda Kenya ayaa dalalka adduunka ugu baaqday inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kadib markii weerar ay ku qaadeen hoteel ku yaalo magaalada Kismaayo ay ku dileen 26 qof oo ay ku jiraan seddex qof oo heysta dhalashada Kenya.

Monica Juma oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sidoo kale beesha caalamka ku boorisay in Al Shabaab oo xiriir la leh Al Qaeda lagu daro liiska kooxaha Argagixisada.

“Mas’uuliyaddiisa waxaa sheegatay Al Shabaab, weerarkan waxa uu beesha caalamka xasuusinaya qatarta Al Shabab si loogu daro liiska kooxaha kale ee argagixisada” ayey barteeda Twitter ka kusoo qortay Monica Juma.

“Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska saaxiibada dadkii naftooda ku waayey weerarkii argagixiso ee Kismayo,” ayay sii raacisay Juma.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here