Ugu Yaraan 20-qof oo ku Dhimatay Weerar ka dhacay Caasimada dalka Burkina Faso

0

Dowlada wadanka Burkina Faso. Ayaa sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay Howlgalkii lagu soo badbaadinaayay dadkii ku jiray Hoteel iyo Maqaayad ku  taala caasimada dalka Burkina Faso.ee Ouagadougou.

Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhimatay weerarka waxaana laga soo badbaadiyay 63-qof uu ku jiray wasiirka ka Tirsan xukuumadda dalka Burkina Faso. Sida ay sheegeen ciidamada dowlada oo howlgalka soo gaba-gabeeyay goor dhaweyd,

Diallo Ismael, oo kamid ah Guddiga xuquuqda aadanaha oo ku sugan dalka Burkina Faso ayaa warbaahinta u sheegay in  hoteeka ay ku jireen dad aad u fara badan hase yeeshee ay ciidamada dowlada ku guuleysteen In ay badbaadiyaan tiro badan,

Dhanka kale Howgalka dadka lagu soo badbaadinayay waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada dowlada France oo ku sugan wadanka Dariska la ah ee Mali sida Lagu daabacay , Associated Press news agency

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here