Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan Magaaladda Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xureynta deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan Gobolkaasi iyo sidii ciidamadda AMISOM ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen.
Madaxweyne lafta gareen ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday dib u qabsashada Degmada tiyeeqlow oo ay horey uga soo baxeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa madaxweynaha ku raacay talooyinka uu soo jeediyay eek u aadan xoojinta Dagalka Al-shabaab.
Mdaxweynaha KGS ayaa shalay gaaray Degmadda Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool wuxuuna socdalkiisa ku sheegay in uu la xiriiro ogaashaha waxyaabaha dhabta ah ee ka jira Gobolka Bakool.

