Mucaawisley oo Sheegtay in ay Dhaawaceen Shiikh Yuusuf (Kaba ku tukade)+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in deegaan hoos taga degmadaasi ay ku wada dagaalameen Xarakadda Al-shabaab Iyo kooxda Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda macawiisleyda loo yaqaano ay weerar ku qaadeen deegaanka hoos taga degmada Buuloburde halkaasi ay ka socotay xafladd Caleemo saar ah.

Uga yaraan 5 Qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalka waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo kala gaaray labadda dhinac.

Hogaamiyaha ciidanka deegaanka Maxamed Cali Istikiin oo idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawaceen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kaasi oo si weyn loogu yaqaanay Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, waxa uu magaciisa uu ku sheegay Shiikh Yuusuf (Kaba ku tukade).

Dhanka Xarakada Al-shabaab Ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya lana xiriira dagaalka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here