Ciidamadda Booliska Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Haweenay iska dhigi jirtay nin oo muddo qabtay laba haween ah.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdulaahi ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska magaaladda Gaalkacyo.
Booliska Magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay in Haweeneydaan ay wadatay Bistooladd iyo qalabka dumarka ay u isticmaali jirtay.
Sidoo kale waxa ay sheegeen baaritaano ay sameeyeen dumarka Booliska in lagu ogaaday xaqiiqada ah in qofkaan uu yahay Dumar.
Dhanka kale Deeqo oo la hadashay Warbaahinta waxa ay xaqiijisay inay tahay dumar, islamarkaana Bistoolada ay u wadatay inay ku ilaashato goob mehrad ah oo u furan.





