Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland (PSF), ayaa hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari, waxay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay degaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow, in lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka.
“Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen Al-shabaab
“Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab”,ayuu lagu yiri warka.





