Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa eedeen u jeediyay gudomiyihii hore ee gobolka hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay diidan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf daba geed).
Yuusuf (daba geed) ayaa la sheegay inuu diiday dhaqaalaha kasoo xarooda gobolka hiiraan inay maamusho wasaarada maliyada hirshabelle, tan iyo markii ay soo baxday wareegtada xilka looga qaaday ee kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha hirshabelle maxamed cabdi waare.
Gudomiye ku- xigeenka Amniga gobolka hiiran qaalid bashiir mucalim oo radiyaha simba waraysi gaar ah siinayay ayaa sheegay gudomiyaha xilka laga qaaday yuusuf daba geed inuu diiday dhaqaalaha gobolka hiiran inay maamusho wasaaradda Maaliyada Hirshabelle.
Khilaafka Maamulka Gobolka Hiiran ayaa sii kordhay, kadib markii yuusuf uu diiday xilka qaadista lagu sameeyay waxaan ka dhashay shaqaaqooyin ay dhimasho iyo dhawac kasoo gaartay taliyayaal ciidan iyo askar.
Beladwayn waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowlada federalka somaliya oo u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada siyaasadeed ee gobolka Hiiran.
Waxaana mas’uliyiinta Beladwayne ku sugan ka mid ah wasiirka wasarada waxbarashada Dowladda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre.

