Siyaasiga Maxamed Qanyare Afrax oo horey Xildhibaan iyo Wasiir uga soo noqday Dowladihii dalka soo maray ayaa saakay ku geeriyooday muqdisho.
Ala ha u Naxariistee Qanyare ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaaladda muqdisho,wuxuuna saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer oo xaaladd caafimaad loo jiifiyay.
Qanyare ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansanaa Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore.
Maxamed Qanyare ayaa dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Kenya ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka, sidoo kale waxaa uu ahaa Musharaxii saddexaad ee ugu codka badnaa doorashadii xilka Madaxweynaha ee Kenya ka dhacday sanadkii 2004,wuxuuna siyaasadda ka baxay sanadkii 2012-kii.

