Ciidamadda Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaano Cusub

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno cusub oo hoostaga degmadda Balcad ee gobolkaas.

Deegaanadda Shabaab lagala wareegay ayaa kala ah Shanlow, Saarsaare, Cadayga iyo Xanshooleey oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda ay deeganadaas si Nabad ah kula wareegeen,islmarkaana Shabaab laga saaray.

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe Xarakadda Al-shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Goboladda Shabeelaha Dhexe iyo Hoose.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here