Kheyre iyo Xaaf oo Isku Fahmi Waayey Qaabka Doorashada Galmudug+Dhageyso

0

Xarunta Madaxtooyadda Magaaladda Cadaado waxaa ka dhacay Kulamo u dhaxeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulankaan waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda ay tahay Magaaladda Cadaado.

Sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka galmudug,kulanka madaxweyne Xaaf iyo Raisulwasaare kheyre ayaa loogu hadlay xaalada galmudug ka jirta.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadda in Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha ay isku fahmi waayeen qaabka ay u dhacayso Doorashadda Dowladd Goboleedka Galmudug.

Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa la filayaa in maanta mar kale uu kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana kulankan noqon doonaa mid gaar ah oo labada dhinac uga hadlaan aayaha Galmudug.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here