Meydka Haweeney ayaa laga helay Hoteel ku yaallo Isgoyska Baar Ubax Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Hooyo Suleeqa Yuusuf Barqadle oo aheyd Hooyo haysatay shan carruur ah ayaa maydkeeda laga helay mid kamid ah Hoteeladda baar Ubax ku yaala.
Ala Ha U Naxariistee Hooyo Suleeqa ayaa u dhixi jirtay Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya sida naloo xaqiijiyay.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay Hooyo Suleeqa, balse saaka ayaa maydkeeda waxaa la geeyay Isbitaalka Digfeer.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hooyo Suleeqo oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay u tagtay Hotelka arrimo gaar ah dartood, kadibna la waayey halka markii dambe meydkeeda la helay.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu jiro shaku ku aadan in haweeneydaan lagu sameeyey Hotelka dhexdiisa sidaasna ay ku dhimatay,waxayna halkaas ku kulmeen nin xiriir ka dhaxeeyay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda Holwadaag aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan ka dhacday Degmadda.

