Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Al-shabaab ay ka fuliyeen Degmadda Buur-hakaba iyo Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.
Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana ku dhintay 10 askari halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Xubnaha qaraxa ku dhintay waxaa kamid ahaa Axmed Dheere oo ahaa taliyaha ciidamadda deegaanka Daynuunaay ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
Dhanka kale qarax labaad ayaa ka dhacay deegaanka Mooda Mooday xilli si wadajir ah ay halkaas ugu safrayeen ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah,waxaana qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamadda Soomaalida.
Qarax seddexaad ayaa ka dhacay duleedka degmadda Buurhakaba wuxuuna dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayay ku sheegtay in weerarka jidgalka ahaa ay ku dishay 13-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda koonfur Galbeed Soomaaliya.

