Kulamada baaqda ee golaha shacbaka barlamanka federalka somaliya ayaa soo noq-noqday, kadib markii ay baaqdee kulamo isku dhowdhow oo barlamanku yeelan lahaa.
Marka aan eegno bishii meey, ee na dhaaftay, kulan uu lahaa barlamanka somalaliye ayaa baqday, kadib markii tirada xidhibaanada uu fadhigu ku furmilahaa aysan tagin xarunta golaha shacabka.
Kulankaas baaqday, waxaa shirgudoominayay gudomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka cabdiwali shiiq ibraahim muuday, muday ayaa ku dhawaaqay in kulanku uusan furmi karin gobtana ay fadhiyaan 98 mudane, sharciga maalintaas kulanka ay kayeelanayee ayaa ahaa Akhrinta 1aa hindise sharciyeedka Iibka qaranka.
Kulankii xigay ee baaqday waxa isna uu baqday 15 bishan juun oo aheed malintii ay xildhibaanadu kasoo noqdeen fasaxa ciida iyo 10kii danbe ee ramadaan. Waxaana kulanka xildhibaanada ay u balansanaayeen ajandihiisu ahaa
Akhrinta 1aa hindise sharciyeedka Iibka qaranka.
Kulankii 3aad ee baqday ayaa baaqday shalay oo taariikhdu aheed 22 bishan juun, kadib markii ay xildhibaanadu tiradooda ay dhamanwayday intii uu ku furmilahaa.
Kulankii shalay baaqday waxaa ka horeeyay kulan xildhibaanadu ay ku meelmariyeen sharciga miisaniyada dalka.ansixinta sharcigaas ka hor ayaa waxaa waqti badan qaatay inay buuxsanto tirada xildhibaanada.
Sida lagasoo xigtay ilo ku dhow dhow Gudoonka golaha shacabka iyo gudoonka laftiisaba in liiska xildhibaanada ka maqnaa kulankii shalay loo gudbiyay gudiga anshaxa ee barlamanka si loo marsiiyo waxa uu xeer hoosaadka ka qabo.
Gudoonka golaha shacabka ayaa 19 bishan sheegay suurtagal inaysan aheen inuu baaqdo kulanka golaha shacabka, isgoo tusaale usoo qaatay tirada xildhibaanada ee xukuumada ka midka ah iyo kuwa fasaxa ku maqan.
Gudomiye mursal ayaa sheegay, hadii ay maqnaadaa 48 xildhibaan ee xukuumada ku tirsan iyo xitaa hadii ay maqnaadaan 50 xildhibaan oo fasax ku maqan uusan kulanka golaha shacabku baaqan karin, madaama ay ku filanyihiin tirada harsan ee xildhibaanada ah.
Kulanka golaha shacabka ayaa ka kooban 275+ 1 oo loola jeedo 275+ madaxwayniihii hore xasan shiiq maxamuud, wuxuuna ku furmaa 139 mudane inay soo xaadiraan kulan kaste.
Sababta kulamadii ugu danbayay u baaqdeen ayaa ah hal cilad oo ah in xildhibaanadu ay buuxin wayeen tirada kulamadaas ay ku furmi lahaayeen.

