Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Qaraxan ayaa haleelay gaari dagaal ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi marayay.
Inta la xaqiijiyay waxaan qaraxaan ku dhintay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda dowladda Soomaaliya, tiro kalana way ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

