Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Xasaasi ah oo Ka Dhacay Dhuusa-mareeb

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Magaaladaas ay ka dhaceyn saacadihii aynu soo dhaafnay Kulamo u dhaxeeyay Wafdi Ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulamo saacado qaatay la yeeshay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka Dhinacyadda Galmudug, sidii loo qaban lahaa doorasho lagu qanacsan yahay iyo qodobo kale.

Dhanka kale waxaa isla xalay Magaaladda Dhuusa-mareeb ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug, iyo Gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya dadaal ku bixinaysa sidii doorasho ugu dhici laheyd Magaaladda Dhuusa-mareeb halka madaxda galmudug ay arintaas kasoo horjeedaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here