Korneel aadam rufle oo kamid ahaa sarakiishii hore ciidamada xooga dalka somaliyeed haatana kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka maxadaxwaynanimo ee mamulka Jubbaland, ayaa waxa u eeedeen xoogleh u jeediyay madaxweynaha mamulka Jubbaland, iyo xubnaha ka amar qaata madaxwaynaha.
Sidoo kale korneelka ayaa tilmaayay in Madaxwaynuhu uu amaro ku bixiyay in tiro odayaal dhaqameed ah in la xiro sidoo kalana dilal ay u gaysteen madaxwaynaha iyo ilaadadiisa gaarka ah qaar ka mid ah odoyaal dhaqamwedka kasoo jeeda magaaladda kismaayo.
Deegaanada Luuq iyo Doolow ayaa haatan waxaa ku xiran qaar kamid ah odoyaal dhaqameed kasoo jeeda magaalada kismaayo ee gobalka Gedo waxaana si rasmi ah loo ogeyn cida ka dambeysa dilalka iyo xariga loo gaysanayo odoyashaasi.

