Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah Xildhibaanadda Galmudug garabka ku sugan Dhuusamareeb oo la hadlay idaacada Simba ayaa gaashaanka u daruuray hadal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Xukumadda Federaalka Somaliya kaasi oo ku aadanaa xilliga ay qabsoomeyso doorashadda maamulka Galmudug.
Xildhibaan Geelle ayaa tilmaamay in hadalka kasoo wasiirka uu kasoo horjeedo dastuurka Galmudug isaga oo hoosta ka xariiqay in dastuurka maamulka uu cadeeynayo xilliga ay dhaceyso doorashada maamulka Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo baxay Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa imaanaya iyadoo wasaaradda arimaha guduha Xukuumada Somaliya ay war kasoo saartay waqtiga ay qabsoomeyso doorashadda maamulka galmudug taasi oo ay wasaaradu ku sheegtay in bartamaha bisha Julay ee sanadkan qabsoomi doonto.

