Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbland ayaa ku waramaya in halkaas xalay lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamadda amaanka Maamulka.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka askariga,waxayna ka baxsadeen goobta.
Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay.
Amniga magaaladda kismaayo ayaa u muuqa mid faraha kasii baxaya,waxaana habeen hore halkaas lagu dilay Nin nabadoon ahaa.

