Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Qarax oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka oo baro ciidan ay ku leeyihiin Ciidamadda  amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa ahaa Nooca Soomaalida u taqaano Suruf,waxaana xiliga uu qarxayay eryanayay Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale qarax labaad ayaa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Isgoyska KM 4 ee Muqdisho gaar ahaan wadada aada Garoonka muqdsiho, waxaan jugtiisa laga maqlay meel badan oo ka mida degmooyinka magaaladda Muqdisho.

inta la xaqiijyay 9-ruux ayaa ku dhimatay 25-kalana way ku dhaawacmeen qaraxyadii maanta ka dhacay magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here