Dowladda Kenya oo Bilowday Ka Ganacsiga Dadka Soomaaliyeed+Dhageyso

0

Dowladda Kenya ayaa bilowday ka ganacsiga Dadka Soomaaliyeed ee ka Gudba xadka ay Soomaaliya kala wadaagto Gobolka Gedo.

Dadka Soomaliyeed ee u shaqo taga magaaladda mandheera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa la sheegay in ay soo food saartay xaalad adag kadib markii ciidamada Kenya ee ka howlgala magaalada ay bilaabeen in ay beegsadaan dadka ka yimaada dhanka Soomaaliya.

Kenya ayaa la sheegay in ay maxkamadd gaar ah uga furatay magaalada mandheera dadka soomaalida ah ee ka yimaada soomaaliya gaar ahaan dhanka Gobolka gedo iyadoo qofkii la qabta laga qaadayo lacag dhan kun ilaa labo kun oo dollarka mareykanka ah.

Mid kamid ah Nabadoonada soomaaliyeed oo ku sugan Degmadda belad-xaawo ee Gobolka gedo oo goob jog u ahaa hooyo soomaaliyeed oo nolosheeda ku maareen jirtay iibka caanaha geela oo ay ciidanka Kenya ay ka qabteen xadka Belad-xaawo iyo mandheera ayaa sheegay in lagu xukumay lacag dhan 10,000 kun Dollar  taasi oo sababtay in hooyadaa soomaaliyeed loosoo iibiyey hashii keliya ay Xoolo ka heysteen sidaasina ciidmadda Kenya lagaga soo siidaayey.

Nabadoon Idiris Aadan ayaa sheegay in dhibka Kenya ay hada ka wada xadka ay soomaaliya kala wadagto Gobolka Gedo uu yahay mid aan cidna qiyaasi Karin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here