10-ruux oo Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in 10-ruux oo shacab ahaa halkaas lagu dilay.

Dil wadareedkaan aya ka dhacay Duleedka magaaladada Gaalkacyo habeenimadii xalay aheyd.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, dadka la dilay oo Ganacsato ahaa ayaa fadhiyay hal goob waxaana lawada toogtay hal mar.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadkaan loogu aargudyay dil xalay Magaalada Gaalkacyo Qeybta Galmudug loogu geystay sarkaal ka Tirsaana Nabadd Sugidda Soomaaliya.

Meydadka dadka la dilay ayaa la geeyay isbitaalka Baraxleey ee Magaaladda Gaalkacyo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka la dilay ay kasoo jeedaan deegaanadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here