Faah-faahin:-Sarkaal Ka Tirsanaa Nabadd Sugidda Soomaaliya oo La Dilay

0

Sarkaal ka Tirsanaa Nabadd Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta galmudug ayaa xalay lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sarkaalka la dilay ayaa la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif).

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka sarkaalka waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaaladda Gaalkacyo oo loogu hadlaayo dilka Taliye Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here