Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in Saakay halkaas dil iyo dhaawac loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Ala Ha u Naxariistee waxaa dhintay Macalin Cabdulaahi Cali Ciise, halka Nuur Bafaana la dhaawacay.
Falkaan oo ay geystaan kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa ka dhacay Xaafadda Zola oo ka tirsan Strand Cape Town.
Raga falka geystay ayaa la sheegay In ay doonayeen inay dhac u gaystaan Dukaanka ay Marxuumka iyo Muwaadinka Dhaawaca ah joogeen, waxaana markii ay Xabadaha ku dhufteen kadib ay gudaha u galeen islamarkaana qaateen Shilimaadkii iyo Shixnadihii kale ee Yaalay Dukaanka.
Mid kamid ah Ganacsatada magaalada Cape Town ayaa sheegay inay Boliisku ku raad joogaan dhagar qabayaasha falkaasi fuliyey oo durbadiiba goobta isaga baxsaday, walow ay Ciidanka aqoonsadeen Gaariga ay wateen Tuugada.

