Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay In Tiradii Ugu Badneyd Shabaab isa Soo dhiibeen!

0

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeya Gaas Daahir aadan Cilmi (Indha Qarshe), oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay dagaalka Shabaab,howlgaladda Ciidamadda dowladda ka wadaan Goboladda dalka iyo shabaabkii maalmihii dambe dowladda isku soo dhiibayay.

Ugu horeyntii Taliyaha ayaa sheegay in 60-meeyo ka Tirsanaa Shabaab Ay dowladda isku soo dhiibeen,kuwa kalana gacanta lagu soo dhigay iyagoo baxsad ahaa.

“Waxaan rabaa umadda Somaliyed in aan la qaybsado, khasaaraha Shabaab gaaray waxaa marqaati ka ah gobol kasta inay iska soo dhiibeen oo maanta marqaati laga yahay in Ciidamda Xoogga Sodomeeyo aan la soo gudbin inay gacanta ku hayaan iyo qaar la qabtay, balse badankooda ay isa soo dhiibeen” ayuu yiri Taliye Indha Qarshe.

Dhanka kale Taliyaha  Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeya Gaas Daahir aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in howlgaladda Ciidamadda Dowladda kawadaan Goboladda ay si guul leh ku socdaan.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa fariin digniin ah u direy shaqsiyaad warar been abuur ah ka faafiya hormarka dalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here