Nabadoon Idris Maxamed Yuusuf oo kamid ah nabadoonada ku dhaqan gobalka gedo gaar ahaan degmada balad xaawo oo lahadlay idaacada simba ee magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay xiisad kataagan xadka ay wadaagaan dowladaha somalia iyo Kenya.
Nabadoonka ayaa sheegay iney xiisad ka jirto xadka laba dowladood,xiisad ayuu sheegay iney timid kadib markii ciidamada kenya ee ku sugan xadka labada dal ey dib u bilaabeen dhismaha darbiga kenya ka dhiseyso xadka ay wadagaan somalia iyo kenya waxaana uu hoosta ka xariiqay iney jiraan shacabka ku dhaqan degmada balad xaawo iney abaabulayaan kacdoon ay kaga soo horjeedaan dhismaha darbiga kenya kadhiseyso xadka ey wadaagaan labada dal.
Nabadoon idris ayaa intaasi ku daray iney dowlada kenya ay ciidas farabadan soo dhigeen xadka labada dal,sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan kenya ey xirtay xadka labada dal iyo isusocodka shacabki isaga kala gudbi jiray xadka labada dal.
Xiritaanka xadka ee kenya ay ku sheegtay iney timid kadib markii alshabaab ey soo afduubteen labo dhaqtar oo udhashay dalka Cupa kuwaasi oo laga afduubay gudaha dalka kenya.

