Gudoomiyihii Xilka Laga Qaaday ee Gobolka Mudug oo Digniin Loo Jeediyay+Dhageyso

0

Guddoomiyihii dhawaan xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu ku sameeyey madaxweynaha Gal Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug Cabdi Sh. Xuseen Maxamed oo la hadlay Radio Simba ayaa digniin u jeediyey gudoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyey ee gobolka Mudug waxa uuna ugu baaqay inuu xilka si nabad gelyo ah ku wareejiyo.

Cabdi Shiikh Xuseen Maxamed ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug qeybta Gal Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan haddii uu diido inuu xilka wareejiyo.

Dhawaan madaxweynaha Gal Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku badalay gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug qeybta Gal Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan isagoo ku eedeynaya waxyaabo badan oo uu kamid yahay amniga deegaanada gobolka Mudug qeybta uu ka arimiyo maamulka Gal Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa gudoomiyihiisa Cusub ee Gobolka Mudug u magacaabay  Cabdiraxman Cali diiriye oo uu u arko inuu wax badan ka badali karo xaaladda amni iyo tan maamul ee gobolka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here