Haweeney iyo Darawal Mooto Bajaaj oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa shil geystay khasaare Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Shilkaan ayaa ka dhacay Agagaarka Isbitaal xooga Degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Gaari Homey ahaa ayaa ku dhacay Mooto bajaaj ay saarnaayeen Haweeney, Caruurteeda iyo wadihii Bajaajka.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay wadihii bajaajka iyo Haweeneyda,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen caruurtii Mootadda Saarneyd.

Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here