Maamulka Gal Mudug garabka Dhuusa mareeb ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay la hadal haayey oo tibaaxayey inuu fashil kusoo dhamaaday kulan xalay magaaladda dhuusa mareeb ku dhex maray Madaxweyne xaaf iyo hogaankii hore ee ururka ahlu sunna wal jamaaca.
Labada dhinaca ayaa xalay kulan ka yeeshay doorashada kusoo wajahan maamulka Gal-Mudug oo loo jadwaleeyey inay dhacdo dabayaaqada bisha July.
Xildhibaan Maxa’ed Xasan gelle oo kamid ah baarlamanka Galmudug garabka Dhuusa mareeb ayaa sheegay in kulankii xalay uu kusoo dhamaaday wanaag iyo is af garad.
Xildhibanka ayaa gaabsaday inuu ka hadlo arrimaha doorashooyinka iyo heshiiska ay labada dhinac ka gaareen arrimaha doorashada Gal Mudug iyadoo Madaxweyne Xaaf uu dalbanayo in doorashada la qabto labo bilood kadib.
Dhanka kale waxa uu sheegay In Madaxweyne Axmed Ducaale geelle (Xaaf), uu ku wajahan maalmaha soo socda Magaaladda Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

