Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay maalmihii dambe ay kordhisay cadaadiska ay saareyro dowladda soomaaliya.
Maxamed xaadir nuur oo ka falanqooda siyaasada geeska Afrika oo la hadlay warbaahinta simba ayaa sheegay in dowlada Kenya ay bilowday in ay beegsato muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya,waxa uu sheegay in Kenya taasi ay ugu gunleedahay in cadaadis ay ku saarto soomaaliya si ay dowladda soomaaliya ugu tanaasusho dacwada badda ee hada taala maxkamada ICJ.
Dowlada Kenya ayaa xabsiga dhigtay Aqoonyahan Ibraahim faarax bursaliid oo ah muwaadin soomaaliyeed kuna nool magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Bursaliid ayaa maalinkii jamcaha maxkamadd la horgeeyay iyadoo dowlada Kenya ay ku eedeysay in xiriir uu la leeyahay ururo Argagaxiso.

