Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa maanta la wareegay deegaanka Afurur ee gobolka Bari kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Afurur ee bari maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidan ah islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab yimaadeen.
Sidoo kale dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Al-shabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamadda Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Af urur.

