Inta badan Magaalooyinka Goboladda dalka Soomaaliya waxa ay maanta u tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga,balse dadka ku nool deegaanada Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida.
Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel,Cadaado iyo Cabud-waaq ayaa maanta waxa ay u tahay maalinta koowaad ee ciidul fidriga.
Shacabka ku nool Magaalooyinkaan ayaa iskugu hambalyeynaya maalinta koowad ee ciida,waxaana lagu wadaa In salaadda ciida ay ku oogaan Fagaarayaal ku yaala Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cadaado.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa Galmudug ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan goobaha salaadda lagu oogayo.

